Iyadoo lagu jawaabayo rabshadaha dhiiggaka ku daatay ee ka dhacay dibadbaxyada Iiraan, Midowga Yurub ayaa soo rogay cunaqabateyn cusub oo ka dhan ah saraakiil sare oo dalkaas ka tirsan.
Golaha Yurub ayaa ku dhawaaqay in cunaqabateynta ay beegsanayaan:
Wasiirka Arrimaha Gudaha Eskandar Moemenni
Xeer-ilaaliyaha Guud Mohammad Movahedi Azad
Garsooraha Iman Afshari ee Laanta 26aad ee Maxkamadda Kacaanka Tehran
War-saxaafadeedka Golaha Yurub ayaa sheegay in sadexdan qof ay ku lug lahaayeen “cuburintii rabshadaha watay ee dibadbaxyada lagula kacay”.