Talyaaniga oo Muqdisho ka soo dejiyey Gaadiid dagaal iyo saanad kale

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

Diyaarad xamuul oo nooca Aircraft C-130 ah kana tirsan Ciidamada Cirka ee Talyaaniga ayaa maanta si rasmi ah uga soo degtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo siday saanad ciidan oo dhammaystiran, taas oo loogu talagalay taageeridda hay’adaha ammaanka iyo iskaashiga milatari ee u dhexeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya.

Saanaddan ciidan ayaa isugu jirta qalab farsamo, agab tababar, iyo taageero sahayeed oo lagu xoojinayo howlaha amniga, waxaana tallaabadan ay ka dhigan tahay dib-u-soo-noqosho muuqata oo Talyaanigu ku doonayo inuu ku xoojiyo doorkiisa Soomaaliya, kaddib muddo dheer oo saameyntiisa hoos u dhacday.

Arrintan ayaa imaneysa xilli Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga uu dhowaan hadal adag ka jeediyay Baarlamaanka Talyaaniga, isagoo qirtay in dalkiisu muddo sanado ah dayacay xiriirkii istiraatiijiga ahaa ee Soomaaliya, taasoo keentay in Turkiga uu si weyn ula wareego kaalintii siyaasadeed, dhaqaale iyo mid ciidan ee Talyaanigu ku lahaa dalka uu hore u soo gumaystay.

Wasiirka ayaa si cad u sheegay in Turkiga uu haatan yahay saameeyaha ugu weyn ee shisheeye ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka ciidamada, mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha, iyo joogitaanka milatari, taas oo Talyaaniga ku dhalisay walaac siyaasadeed iyo mid istiraatiiji ah. Sidaas darteed, ayuu tilmaamay in Talyaanigu uu qaatay go’aan ah inuu si degdeg ah dib ugu soo laabto fagaaraha Soomaaliya, isagoo bilaabay keenista saanado ciidan iyo xoojinta iskaashiga amni.

Dhinaca kale, khubarada arrimaha caalamiga ah ayaa tilmaamaya in Soomaaliya ay noqotay goob ay si toos ah ugu tartamayaan quwadaha waaweyn ee NATO, iyo sidoo kale isbahaysi cusub oo ay hoggaaminayaan dowlado Carbeed iyo Turkiga, kuwaas oo dhammaantood daneynaya miisaanka siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka.

Tartankan caalamiga ah ayaa si gaar ah ugu xiran muhimadda istiraatiijiyadeed ee Badda Cas iyo marin-biyoodka Baabul Mandab, oo ah isgoys ganacsi iyo mid ciidan oo saameyn toos ah ku leh isku socodka ganacsiga caalamka, tamarta, iyo awoodda quwadaha waaweyn. Soomaaliya oo leh xeeb dheer iyo goob juqraafi ah oo xasaasi ah, ayaa noqotay furaha lagu xakameeyo ama lagu saameeyo marin-biyoodkan muhiimka ah.

Ugu dambeyn, keenista saanadda Talyaaniga iyo hadallada kasoo yeeray mas’uuliyiintiisa sare waxay muujinayaan in Soomaaliya ay gashay marxalad cusub oo loollan istiraatiiji ah, halkaas oo dowlad kasta ay isku dayeyso inay dib u hanato ama xoojiso saameynteeda, taasoo saameyn weyn ku yeelan karta jihada amniga, siyaasadda iyo mustaqbalka guud ee dalka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.