Ciidamada SDF ee ay hoggaaminayaan Kurdiyiinta ayaa heshiis la gaaray dowladda Suuriya si ay ugu biiraan ciidamada qaranka, kaddib toddobaadyo dagaallo ah oo ay ku lumiyeen dhul ballaaran.
Heshiiska, oo ka dhashay xabbad-joojin dhawaan la gaaray, ayaa dhigaya isdhexgal tartiib tartiib ah oo ciidamada iyo hay’adaha rayidka ee Kurdiyiinta lagu darayo hay’adaha dowladda. Telefishinka dowladda Suuriya ayaa xaqiijiyay in heshiiska si degdeg ah loo fulinayo.
Tallaabadan ayaa xoojinaysa awoodda dowladda ku-meelgaarka ah ee Dimishiq, kaddib ridistii Bashar al-Assad bishii Diseembar 2024, isla markaana ay muddo la tacaalaysay sidii ay u mideyn lahayd dadka suuriya.