Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, ayaa saaka garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxdan ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Gerad Wilwaal, halkaas oo si rasmi ah loogu soo dhaweeyay, waxaana wehliyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, ayaa magaalada Jigjiga u yimid ka qaybgalka xafladda xarig-jarka mashruuca dalxiiska “Shabeelleey”, oo ah mashruuc ay hirgelisay Dowlad Deegaanka Soomaalida, kaas oo lagu horumarinayo dalxiiska iyo bilicda magaalada.
Mashruucan ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato kobcinta dhaqaalaha deegaanka, kor u qaadista dalxiiska, iyo abuurista fursado shaqo oo cusub.
Imaanshaha madaxdan sare iyo ka qaybgalka xafladdan ayaa muujinaya iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, amniga, iyo xiriirka siyaasadeed.
Waxaa la filayaa in inta ay ku sugan yihiin Jigjiga ay madaxdu yeeshaan kulamo gaar ah oo ay kaga wada hadli doonaan arrimo khuseeya iskaashiga gobolka, xasilloonida, iyo horumarinta dhaqaalaha iyo ilaalinta midnimada sadaxdaas dal.


