Garsoore federaal ah oo ku sugan Mareykanka ayaa amar ku bixiyay in la sii daayo wiil shan jir ah iyo aabbihii oo ku xirnaa xarun ku taalla Texas, kaddib caro ballaaran oo ka dhalatay xariggoodii intii lagu jiray weerar ay waaxda socdaalku ka fulisay gobolka Minnesota.
Go’aanka uu qaatay Sabtidii, Garsooraha Maxkamadda Degmada Mareykanka Fred Biery ayaa ku tilmaamay xarigga wiilka lagu magacaabo Liam Conejo Ramos mid sharci-darro ah, isagoo sidoo kale cambaareeyay damaca khiyaanada ah ee awood aan xad lahayn iyo ku-takrifalka awooda iyo naxariis-darrada, ee ay sameeyeen dad naga mid ah.ayuu yiri
Go’aanka adag ayaa yimid xilli sawirro muujinaya wiilka oo xiran koofiyad bakayle buluug ah iyo boorso Spider-Man ah iyadoo saraakiisha ICE ay ka qaadeen xaafad ku dhow magaalada Minneapolis ay noqdeen astaan u ah howlgallada adag ee socdaalka ee ay billowday dowladdii Madaxweyne Donald Trump.
“Kiiskani wuxuu ka dhashay raadinta dowladdu ku dooneyso in ay gaarto tirooyin maalinle ah oo masaafurin ah, taas oo si xun loo maleegay loona fuliyay si aan karti lahayn, xitaa haddii ay taasi keento in carruur la dhaawaco naf ahaan,” ayuu Biery ku qoray go’aankiisa.
“Ugu dambeyn, codsadayaashu waxaa laga yaabaa, sababta oo ah nidaamka adag ee socdaalka Mareykanka, in ay ku laabtaan dalkoodii hooyo si khasab ah ama masaafurin. Laakiin natiijadaas waa in ay ku timaadaa siyaasad ka nidaamsan oo ka naxariis badan tan hadda jirta.”
Garsooruhu ma caddeyn tirada saxda ah ee masaafurinta uu tixraacayay, balse Stephen Miller, madaxa shaqaalaha Aqalka Cad ee siyaasadda, ayaa hore u sheegay in bartilmaameedku ahaa 3,000 xarig oo socdaal ah maalintii.
Howlgalka socda ee Minnesota ayaa ah kan ugu weyn ee abid ay fuliso dowladda federaalka ee dhinaca hirgelinta shuruucda socdaalka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta federaalka, iyadoo la adeegsaday ku dhowaad 3,000 oo wakiil. Kordhinta howlgalku waxay dhalisay isku dhacyo maalinle ah oo u dhexeeya dhaqdhaqaaqayaasha iyo saraakiisha socdaalka, waxayna keentay dilka laba muwaadin oo Mareykan ah oo ay dileen wakiillo federaal ah.
Howlgalkan dhiigga sababay ayaa dhaliyay bannaanbaxyo qaran iyo isu soo baxyo ballaaran oo ka dhacay Minnesota.
Sida ay sheegtay Waaxda Dugsiyada Dadweynaha ee Columbia Heights ee Minneapolis, Liam wuxuu ahaa mid ka mid ah ugu yaraan afar arday oo ay saraakiisha socdaalku xireen xaafaddaas bishan.
Kormeeraha guud ee dugsiyada Columbia Heights, Zena Stenvik, ayaa sheegtay in saraakiisha ICE ay ilmaha ka qaadeen gaari shaqeynayay oo yaallay barxadda guriga qoyska 20-kii Janaayo, isla markaana ay ku amreen inuu garaaco albaabka guriga—xeelad ay ku tilmaantay “in ilmaha loo adeegsaday dabin” si loo qabto xubnaha kale ee qoyska.
Dowladdu way beenisay sheegadaas, iyadoo afhayeenka Waaxda Amniga Gudaha (DHS), Tricia McLaughlin, ay sheegtay in sarkaal ICE ah uu la joogay Liam “si loo ilaaliyo badbaadada ilmaha” inta ay saraakiil kale qabteen aabbihii.
Madaxweyne ku-xigeenka JD Vance, oo si xooggan u difaacay xeeladaha ICE ee Minnesota, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in inkastoo xarigyada noocan ah ay “carruurta ku keeni karaan dhaawac nafsi ah”, haddana “waalid ahaanshaha micnaheedu ma aha inaad hesho difaac buuxa oo ka dhan ah sharciga”.
Maamulka Trump ayaa sheegay in Conejo Arias uu si sharci-darro ah ku soo galay Mareykanka Diseembar 2024 isagoo ka yimid Ecuador, balse qareenka qoyska ayaa sheegay in ay haystaan codsi magangelyo oo firfircoon oo u oggolaanaya inay si sharci ah dalka ugu sugnaadaan.
Kaddib xariggooda, wiilka iyo aabbihii waxaa loo diray xarun ku taalla Dilley, Texas, halkaas oo ururrada u dooda xuquuqda aadanaha iyo siyaasiyiin ay ka soo sheegeen xaalado aad u liita, oo ay ku jiraan cudurro, nafaqo-darro, iyo tirada carruurta la xiranayo oo si degdeg ah u kordheysa.
Xildhibaanada Texas Joaquin Castro iyo Jasmine Crockett ayaa booqday xarunta toddobaadkan. Castro ayaa sheegay in Liam uu seexday intii ay booqashada 30-ka daqiiqo socotay, halka aabbihii uu sheegay in wiilku ahaa “mid niyad-jabsan oo murugo leh”.
Go’aanka Biery ee Sabtidii wuxuu ku daray sawirka wiilka iyo dhowr aayadood oo Kitaabka Quduuska ah ah, oo ay ka mid yihiin: “Ciise wuxuu yiri, ‘Carruurta yaryar ii oggolaada inay ii yimaadaan, hana hor istaagina, waayo boqortooyada jannadu iyaga ayay u taallaa’,” iyo “Ciise wuu ooyay.”
Dhacdadan, ayuu Biery qoray, waxay muujisay “jahli ay dowladdu ka qabto dukumeenti taariikhi ah oo Mareykan ah oo la yiraahdo Baaqa Madaxbannaanida”. Wuxuu isbarbardhig ku sameeyay maamulka Trump iyo tacaddiyadii uu qoraaga xilligaas, madaxweynihii mustaqbalka Thomas Jefferson, ku eedeeyay Boqorkii Ingiriiska George, sida “ciidan saraakiil ah oo loo diray inay dhibaateeyaan dadkeenna” iyo abuurista “kacdoon gudaha ah”.
Ma jirin wax faallo degdeg ah oo ka soo baxay Waaxda Caddaaladda iyo DHS.
Xafiiska Qareenka Jennifer Scarborough, oo matalaya Liam iyo aabbihii Adrian Conejo Arias, ayaa bayaan ku sheegay in labadoodu ay si dhow ula midoobi doonaan xubnaha kale ee qoyskooda.
“Waxaan ku faraxsanahay in qoysku hadda diiradda saari karo wadajir iyo helidda xoogaa xasillooni ah kaddib dhibaatadan naxdinta leh,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Mas’uuliyiinta Minnesota ayaa ku baaqayay in maamulka Trump uu joojiyo howlgallada adag ee socdaalka ee gobolka. Si kastaba ha ahaatee, garsoore federaal ah ayaa Sabtidii diiday codsi ka yimid Xeer-ilaaliyaha Guud ee Minnesota Keith Ellison iyo mas’uuliyiin kale oo lagu doonayay amar hordhac ah oo joojin lahaa howlgalkan federaalka ah.
Dhanka kale, Trump ayaa amar ku siiyay DHS in “xaalad kasta ha ahaatee” aysan faragelin bannaanbaxyada ka socda magaalooyinka ay hoggaamiyaan Dimuqraadiyiinta, ilaa ay codsadaan gargaar federaal ah ama hantida federaalka la khatar geliyo.