Hargeysa:–Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Warbaahinta Somaliland, kulan kaas oo lagaga wada hadlay doorka warbaahinta ee difaaca Qaranka iyo xoojinta midnimada bulshada.
Kulankan waxa ka soo qayb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna Ku-Simaha Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, iyada oo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin kale iyo wakiillo ka socday warbaahinta dalka.
Ujeeddada kulankan ayaa ahayd in si rasmi ah loogu mahadceliyo Warbaahinta Somaliland doorka masuuliyadda, wadaniyadda iyo naf-hurnimada leh ee ay ka qaateen xoojinta midnimada shacabka, difaaca qaddiyadda iyo qarannimada Somaliland, iyo kor u qaadista wacyiga qaran, gaar ahaan xilligan ay jiraan isbeddello siyaasadeed oo heer gobol iyo heer caalami ah kuwaas oo saamayn ku leh deegaanka istiraatiijiga ah ee Somaliland.
Mas’uuliyiinta kulanka ka hadlay ayaa carrabka ku adkeeyey in mooralka iyo adkaysiga Ciidanka Qaranka uu si toos ah ugu xidhan yahay midnimada, isku-duubnida iyo taageerada shacabka, isla markaana warbaahintu ay tahay tiir muhiim u ah dhismaha kalsoonida dadweynaha, wacyigelinta bulshada iyo ilaalinta amniga iyo nabadgelyada Qaranka.
Ugu dambayn, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Qaranka waxay ku boorriyeen warbaahinta inay sii wadaan kaalinta wacyigelineed ee ay ku garab taagan yihiin Qaranka, iyaga oo xusay in wada-shaqaynta hay’adaha Qaranka iyo warbaahintu ay laf-dhabar u tahay adkaynta qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.









