Israel Oo Maanta Dib u Furtay Xudka u Gudba Masar Ee Marainka Rafax

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Israel ayaa maanta oo Axad ah dib furtay xuduudka u gudba Masar ee Rafax kaasi oo ah marinka kaliya ee si toos ah ay uga baxaan dadka reer Qaza si ay u gaadhaan dunida kale iyo sidoo kale na ah marin muhiim ah oo ay ka soo galaan gargaarka dhulku. Waxa uu marinkani xidhnaa tan iyo bishii May ee sannadkii 2024.

Isku gudbka dadka ayaa la filayaa inuu dhacayo maalinta beri ah, iyadoo la qorsheeyay in maalin kasta dad tiro kooban ah ay ka bixi karaan Qaza , sidoo kale dadka ku sugnaa dibaddu ay dib ugu soo laaban karaan Qaza.

Hawlgalka hadda socda waa mid kooban oo lagu tijaabinayo shaqada marinka, waxaana kormeeray hay’ado ay ku jiraan Middowga Yurub iyo dowladda Masar, iyadoo Israel ay leedahay nidaamyo amni iyo liisaska dadka dhaafaya.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.