Go’aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada wadajirka labada Gole tiro 12 kulan ah Senatarrada kala ah Sanatar Leyla Nuur Maax iyo Sanatar Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)
Waxaa lagu eedeeyey qalalaaso iyo ku xadgudub Xeer hoosaadka Golaha Aqalka Sare oo ay ku kaceen labada Sanatar intii uu socday kulan wadajir ah oo ay labada Gole yeesheen 28-kii Janaayo, 2026.
Sanatar Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) Waa wasiirka amniga ee Xukuumada federaalka Somalia.
Sidoo kale isla manta ayaa waxaa gudoonka golaha shacabka BFS waxaa uu ka joojiyey 12 ka mid ah fadhiyada labada aqal illaa 18 xildhibaan oo lagu eedeeyey iney ka qeyb qaateen rabshadihii iyo buuqii ka dhacay xarunta golaha shacabha halka xildhibaano kale la siiyey digniin culus.