Wasiir Fiqi Oo Is-barbardhig ku Sameeyay Askarta Maleeshiyada Sudan RSF Iyo Ilaalada M/Deni.

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiir Axmed Maclin Fiqi ayaa bartiisa Facebooka soo dhigay sawirada mid ka mid ah Askartii madaxwayne Deni ilaalada u ahayd iyo askari ka mid ah maleeshiyaadka Sudan ka dirira ee la yiraahdo “Dacma sariic”(RSF) kuwaasoo sita qalab isku mi dah

Wasiir Fiqi oo arimahaasi ka hadlaya ayaa yiri:-Sawirka 1aad: Waa Mid ka mid ah askarta maleeshiyaadka Sudan ka dirira ee la yiraahdo “Dacma sariic” RSF) oo sita qalab ka hortaga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone-ka). Qalabkan shaqadiisu waa taahwiishinta iyo carqaladeynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, isagoo joojiya frequencies-ka kontaroolka iyo hagista, gaar ahaan nidaamka GPS.

Sawirka 2aad waa mid aanan hubin laakin lagu sheegay inuu ka mid ahaa sawiradii maantay lagu faafinayay baraha bulshada kaasoo ka mid ahaa askartii hordhaca u ahayd wafdiga Madaxweyne Deni .

Qalabka dhabarka u saaran sida muuqata waa isku mid waana isku shaqo.

Dawladda Soomaaliya waxaa waajib ku ah badqabka garoonka, xasiloonada dalka iyo in aan cidna loo ogolaan carqaladaynta amniga iyo xasiloonida!

Screenshot


Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.