Masar oo la Wareegtay kursi Muhiim u ah Somaliya.

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Masar ayaa maanta si rasmi ah u la wareegtay gudoomiyaha Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika, waxaana mudo xileedkeedu la bilaabay iyadoo diiradda la saarayo arrimaha amniga, xasilloonida, iyo horumarinta qaaradda.

Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in xasilloonida Soomaaliya ay muhiim u tahay amniga guud ee Geeska Afrika iyo Badweynta Cas, iyadoo ku boorisay dalalka Afrikaanka ah in ay ka qayb qaataan taageeridda amniga iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Dowladda Masar waxay xustay in dhaqaale loo helo ciidamada AUSSOM ee ka qaybgalaya dagaalka ka dhanka ah argagixisada, si loo xoojiyo awoodda Soomaaliya ee ilaalinta amniga gudaha iyo xuduudaha.

Mudo xileedka Masar ee Golaha Nabadda iyo Amniga ayaa sidoo kale diiradda saari doona wadahadalka Sudan, xallinta khilaafaadka, iyo taageeridda nabadda iyo horumarinta maamul wanaagga dalalka Afrika. Waxaa la qorsheeyay in la qabto kulamo iyo la-tashiyo heer wasiir ah oo lagu eegayo xaaladaha Sudan iyo Soomaaliya, ansixinta warbixinta sannadlaha ah ee hawlaha Golaha, iyo doorka Midowga Afrika ee ka hortagga khilaafaadka, taageeridda amniga, iyo hirgelinta ajendaha horumarineed ee qaaradda.

Masar ayaa sidoo kale xooga saari doonta ilaalinta mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika, oo ay ka mid yihiin ixtiraamka madax-bannaanida dalalka, sugidda xuduudahooda, ka fogaanshaha faragelinta arrimaha gudaha, iyo xoojinta wada shaqeynta dalalka Afrika, si loo sugo xasillooni, amni, iyo horumar waara.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.