Saraakiisha ugu sarreeya ciidammada Mareykanka iyo Israa’iil ayaa Jimcihii kulan qarsoodi ah ku yeeshay xarunta Pentagon-ka, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha la xiriira Iran, sida ay Reuters u sheegeen laba sarkaal oo Mareykan ah Axaddii.
Saraakiishaasi faahfaahin kama bixin wadahadallada albaabbada u xiran ee dhexmaray Taliyaha Guud ee Ciidammada Mareykanka, General Dan Caine, iyo Taliyaha Ciidammada Israa’iil, Eyal Zamir. Kulankan horay looma shaacin.
Mareykanka ayaa kordhiyay joogitaankiisa ciidan ee badda iyo difaacyada cirka ee Bariga Dhexe, kaddib markii Madaxweyne Donald Trump marar badan ku hanjabay Iran si uu ugu cadaadiyo inay miiska wadaxaajoodka timaaddo. Dhanka kale, hoggaanka Iran ayaa Axaddii ka digay in weerar Mareykan ah uu horseedi karo dagaal gobolka ka qarxa.