Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in Tehran ay ku guulaysan karto heshiiska barnaamijka Nukliyeerka ee dalkiisa.
Cabbaas Araghchi oo la hadlay CNN ayaa sheegay in Iiraan ay lumisay kalsoonidii ay ku qabtay Mareykanka oo ahaa saaxiibka wada xaajoodka, balse fariimaha ay is weydaarsadeen waxa uu ugu yeeray dalalka saaxiibka ah ee gobolka ay fududeyneyso wadahadal ‘miro dhal’ ah oo lala yeesho maamulka Trump.
Iiraan lafteeda, warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegaysa in Erfan Soltani – kiiskiisa ay soo jiidatay walaac caalami ah ka dib markii lagu xiray mudaaharaadyadii dhawaa oo la sheegay in dil lagu xukumay – lagu sii daayay damiin.
Sarkaal Iiraani ah ayaa sidoo kale sheegay in Ilaalada Kacaanku aysan wax qorshe ah ka lahayn – sidii horeba loo sheegay – inay dhoolatus mialteri ku sameeyaan marin biyoodka Hormuz maanta iyo iyo birri oo Isniin ah.