Heemaal News Network

Xoghayihii joogtada ee Xafiiska Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo is casilay

Xoghayihii joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa qoraal dheer uu soo saaray maanta oo Axad ku shaaciyay in uu iska casilay xilkii uu xukuumadda u yahay.

Qoraalka uu soo saaray Maxamed Abuukar Zubeyr ayuu ku sheegay in uu si iskiis ah u go’aansaday in uu xilka iska casilo, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uga mahadceliyay shaqadan uu horey ugu igmaday waxbana kala soo shaqeeyay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababta is-casilaad Zubeyr ay ku timid cadaadis kaga yimid xafiiska Ra’isul Wasaaraha, waxaana marar badan la sheegay in ay jireen isku dhacyo iyo khilaafaad u dhaxeeyay xoghyaha iyo madaxda ka sarreysay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Ilhaan Cumar Xilka Ma ku Weyn kartaa ka-hadalkii Heshiiska Badda Ee Itoobiya iyo Somaliland.?

Heemaaln

Puntland Oo ka Hadashay Markab Lagu Afduubtay Xeebaha Badweynta Hinidya

Heemaaln

Maxaa ka soo Kordhay Xeerarkii Doorashooyinka Somaliland ee Khilaafku ka Taagnaa

Heemaal