Siyaasi British ah oo is casilay kaddib fadeexadaha Epstein

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

Peter Mandelson ayaa ka baxay xisbiga Labour si uu, sida uu sheegay, “uusan u keenin ceeb dheeraad ah” kaddib markii la sii daayay dukumeentiyo cusub oo la xiriira Jeffrey Epstein.

Arrintan ayuu Lord Mandelson sameeyay kaddib shaacinta xog cusub oo ku saabsan xiriirkiisa Jeffrey Epstein oo hadda geeriyooday.

Horraantii toddobaadkan, BBC ayaa sheegtay in Epstein uu Mandelson siiyay 75,000 doolar, iyadoo lacagtaas loo kala diray saddex jeer oo min 25,000 doolar ah sanadihii 2003 iyo 2004.

Warqad uu u diray xoghayaha guud ee xisbiga Labour, Mandelson wuxuu ku qoray in si “dheeraad ah loogu xidhay buuqa ku xeeran Jeffrey Epstein” isla markaana uu dareemayo “qoomammo badan”.

Eedeymo aan rumaysanahay inay been yihiin oo sheegaya inuu ii sameeyay lacag-bixinno 20 sano ka hor, kuwaas oo aanan wax xusuus ah ama diiwaan ah ka hayn, waa inaan anigu baaro, ayuu qoray.

Inta aan arrintaas baarayo, ma doonayo inaan xisbiga Labour u keeno ceeb dheeraad ah, sidaas darteed ayaan uga tanaasulay xubinnimada xisbiga, ayuu ku yiri warqadda.

Sawirro isagoo xiran nigis oo la helay

Sawirro muujinaya Mandelson isagoo xiran nigis ayaa sidoo kale laga helay xirmadii ugu dambeysay ee dukumeentiyada Epstein.

Mid ka mid ah sawirrada, wuxuu Mandelson ag taagan yahay haweeney, balse wajigeeda waxaa qariyay  Wasaaradda Caddaaladda ee Mareykanka.

Lord Mandelson wuxuu BBC u sheegay inuusan “garowsan karin goobta ama haweeneyda,” isla markaana uusan “xusuusan karin duruufihii ay ku timid arrintaasi”.

Lama oga goorta ama halka lagu qaaday sawirrada Mandelson iyo haweeneyda.

Isku day saameyn ku yeelashada dowladda

Mandelson waxaa laga eryay xilkii safiirka Mareykanka dayrtii sanadkii hore, kaddib markii la ogaaday inuu sii waday xiriirka Epstein xitaa kaddib markii Epstein lagu xukumay dambiyo sanadkii 2008.

Dukumeentiyada cusub ee ay soo saartay Wasaaradda Caddaaladda ee Mareykanka ayaa muujinaya waraaqo bangi oo u muuqda inay xaqiijinayaan lacagihii laga diray akoonnada JP Morgan ee Epstein.

Lacagtii ugu horreysay waxaa loo diray akoon ka tirsan Barclays, kaas oo uu lahaa lammaanihii Mandelson ee xilligaas, Reinaldo Avila da Silva, halka “Peter Mandelson” lagu qoray inuu yahay qofka lacagta qaata.

E-maillo ku jira dukumeentiyada ayaa sidoo kale muujinaya in Mandelson uu isku dayay inuu saameyn ku yeesho siyaasadda dowladda ee ku saabsan canshuur la qorsheeyay oo lagu soo rogi lahaa gunnooyinka bangiyada, kaddib codsiyo uga yimid Epstein.

– “Si adag ayaan isugu dayayaa inaan isbeddel sameeyo,” ayuu Mandelson u qoray Epstein bishii Diseembar 2009.

– “Wasaaradda Maaliyaddu way adkeysanaysaa, balse anigu waan ka shaqeynayaa arrinta.”

Xilligaas, Mandelson wuxuu ahaa wasiirka ganacsiga ee dowladda Gordon Brown.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.