Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu baxay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE), halkaas oo uu Madaxweynuhu kaga qayb-gali doono Shirka Sannadlaha ah ee Kulanka Dawladaha Adduunka (World Governments Summit) oo ka dhacaya magaalada Dubai.
Safarka Madaxweynaha Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa ah mid xambaarsan macne diblomaasiyadeed oo muhiim ah, isaga oo ku meteli doona Qaranka Somaliland Madal Caalami ah oo ay ku kulmayaan in ka badan 130 Dawladood oo ka socda Caalamka, Hay’ado Caalami ah iyo madax kale oo saamayn ku leh go’aannada siyaasiga ah ee Dunida.
Madaxweynaha ayaa Madashaasi ka gudbin doona farriin ku saabsan waayo-aragnimada Jamhuuriyadda Somaliland ee xagga Dawlad-dhiska, Nabadda, Dimuqraadiyadda iyo Horumarka, taasi oo xoojin doonta doorka muhiimka ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba.
Muddada ay Madaxweynaha iyo weftigiisu ku sugan yihiin dalka Imaaraadka Carabta waxa ay kulammo la yeelan doonaan madax iyo masuuliyiin caalami ah, kuwaas oo diiradda lagu saari doono iskaashiga horumarineed, maalgashiga, ganacsiga, amniga iyo arrimaha mudnaanta u leh danaha guud ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Ka-qaybgalka Somaliland Madashan Caalamiga ah ee Kulanka Dawladaha Adduunka (World Governments Summit), waxa ay mar kale muujinaysaa danaynta sii kordhaysa iyo kalsoonida ay Bulshada Caalamku ku qabto Jamhuuriyadda Somaliland.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇





