Dowlada Mareykanka Oo Sheegtey in aysan ku Cusbayn Arinta Aqoonsiga Somaliland

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtey in aysan hadda hayn ‘Arrin cusub oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland’ iyada oo Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka uu ku celiyey in siyaasadda Washington aysan is beddelin, islamarkaana ay weli ka go’an tahay taageeridda madaxbannaanida Soomaaliya.

Af-hayeenka Mareykanka u hadlay wuxuu intaasi ku daray in xidhiidh wanaagsan oo shaqo uu kala dhexeeyo ‘Somaliland’ iyo maamul-hoosaadyada kale ee DFS.

Maraykanku wuxuu xaqiijiyay inuu xidhiidh shaqo oo wanaagsan la leeyahay Somaliland, gaar ahaan dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada iyo danaha dhaqaale. Waxa kale oo uu sheegay in Israa’iil xaq u leedahay cidda ay xidhiidh diblomaasiyadeed la samaysanayso.

Dhinaca kale, Maraykanku wuxuu kordhiyay booqashooyinka Somaliland, oo ay ku jiraan safarro uu sameeyay Taliyaha Africom, Gen. Dagvin Anderson, kuna jiraan booqasho uu ku tagay Berbera bishii Nofeembar 2025, inkasta oo Washington aanay weli ka jawaabin su’aalaha ku saabsan danaha gaarka ah ee Berbera.

Xigasho: BBC

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.