Turkiga oo ka Hor-istaagay Midowga Yurub Qorshe uu ku Aqoonsan lahaa Somaliland

by Heemaal
2 minutes read
A+A-
Reset

Raysal-wasaarihii hore ee Turkiga, Ahmet Davutoğlu, ayaa sheegay in sannadkii 2012 uu hor istaagay qorshe uu Ingiriisku dabada ka riixayay, kaas oo lagu doonayay in Midowga Yurub uu Somaliland ugu aqoonsado dal madax-bannaan.

Davutoğlu waxa uu sheegay in Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Ingiriiska, William Hague, uu ku qanciyay dalalka Yurub in ay aqoonsadaan Somaliland, balse uu isagu joojiyay dadaalkaas, kaddib shir ay wada yeesheen madaxda Turkiga iyo Ingiriiska.

“Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska ayaa diblumaasiyiinta Yurub ka dhex waday ololaha aqoonsiga Somaliland. Markii aan kulanka soo galay, ololahaasi meel wanaagsan ayuu marayay. Waxaan ku idhi: maxaad samaynaysaa? Anaguna Soomaaliya ayaanu dajinayayna adiguna waad kala qaybinaysaa,” ayuu yidhi Davutoğlu.

Waxa uu sheegay in Hague uu ugu jawaabay in Somaliland tahay goob deggan oo dimuqraadi ah, isla markaana u qalanta in la aqoonsado, halka Soomaaliya xilligaas ay ahayd dal ay ka jireen qalalaase iyo dowlad-la’aan baahsan.

Davutoğlu waxa kale oo uu sheegay in aqoonsiga Somaliland uu ka dhigan yahay in Ingiriisku sidoo kale aqoonsan karo Jamhuuriyadda Turkiga ee Waqooyiga Cyprus, oo iyaduna ah dal deggan oo aan argagixiso ka jirin. “Dadkii qolka joogay way la yaabeen,” ayuu yidhi.

Waxa uu ku faanay in isla maalintaas uu wacay Madaxweynihii Somaliland ee xilligaas, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyo Madaxweynihii Dowladdii Ku-meelgaadhka ahayd ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isaga oo uu ku yidhi: “Waxaynu nahay dalal Muslim ah, cid kale yaanay arrimaheena soo faragelin.”

Intaa kaddib, ayuu sheegay in Turkigu shir isugu yeedhay labada dhinac si loo sii wado wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, isaga oo ujeeddadiisu ahayd in Somaliland aan la aqoonsan, isla markaana caalamku u arko in labada dhinac ay wada-hadallo ku jiraan, sidaasna faraha uga qaado arrinta aqoonsiga.

Wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya oo socday in ka badan toban sano, isla markaana aan wax natiijo ah laga gaadhin, ayaa dad badan oo reer Somaliland ahi u arkaan in ay ahaayeen dabin loo dhigay dadaallada aqoonsi-raadinta Somaliland, si beesha caalamku u sugo natiijadooda oo aanay tallaabo kale qaadin, halka kuwo kalena ay qabaan fikrad taa kasoo horjeeda.

Wadahadalladii labada dhinac ayaa hadda burburay, waxaana sii kala fogaaday xidhiidhka Muqdisho iyo Hargaysa kaddib markii ay Somaliland ka xumaatay doorka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku yeelatay dhismaha Maamulka Waqooyi Bari ee laga sameeyay gobolka Sool, taas oo Somaliland ku tilmaantay faragelin ka dhan ah madax-bannaanideeda.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa Somaliland ku daray khataraha ay Soomaaliya wajahayso, iyaga oo khatarta koowaad ka dhigay argagixisada, halka khatarta labaadna ay ku tilmaameen fikirka gooni-u-goosadka, oo ay ula jeedeen Somaliland.

Somaliland ayaa markii ugu horreysay 26-ka December ee sannadkii hore ka heshay aqoonsi buuxa dowladdii ugu horreysay ee ka tirsan Qaramada Midoobay, kaddib markii dowladda Israa’iil ku dhawaaqday inay si buuxda u aqoonsatay.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.