Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu dacwad ku soo oogayo majaajiliistaha Trevor Noah kaddib markii uu kaftan ka sameeyay Trump iyo Jeffrey Epstein intii lagu jiray xafladda abaalmarinta Grammy Awards.
Isagoo ka hadlayey xafladda, Noah wuxuu yiri: “Heesta Sanadka — waa Grammy uu fannaan kasta doonayo ku dhowaad inta uu Trump u doonayo Greenland, taasna waa la fahmi karaa, maxaa yeelay jasiiraddii Epstein hadda ma jirto, wuxuuna u baahan yahay mid cusub oo uu kula nasto Bill Clinton.”
Trump waxaa la og yahay inuu Epstein xiriir la lahaa sanado badan, balse wuxuu sheegay inuusan waxba ka ogeyn dambiyadiisa, isla markaana ay kala isugu dembysay qiyaastii sannadkii 2004. Ma jiraan wax caddeyn ah oo muujinaya inuu mar booqday jasiiradda gaarka ah ee Epstein, sidoo kale laguma eedeyn wax dambi ah oo ay sheegeen dhibbanayaasha Epstein. Waaxda caddaaladda ee Mareykanka ayaa sheegtay in eedeymaha la xiriira Trump ay yihiin kuwo aan sal lahayn oo been ah.
Sannadkii 2020, afhayeen u hadlay Bill Clinton ayaa sheegay in madaxweynihii hore uusan “marnaba tegin” jasiiradda Epstein ee Little St James. Clinton isna laguma eedeyn wax khalad ama dambi ah.