Somaliya iyo Ruushka oo kala Saxiixday Heshiis Cusub.

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, iyo Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Ruushka, Mudane Oleg Salagay, ayaa magaalada Geneva ku kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga caafimaad ee u dhexeeya labada dal.

Heshiiskan ayaa muujinaya xiriirka qotada dheer ee dhinaca caafimaadka ee Soomaaliya iyo Ruushka, isagoo diiradda saaraya horumarinta nidaamka daryeelka caafimaadka, tayaynta iyo tababaridda shaqaalaha caafimaadka, wadaagidda khibradaha iyo cilmi-baarista, ka hortagga iyo daaweynta cudurrada faafa iyo kuwa aan faafin, nidaaminta daawooyinka iyo qalabka caafimaadka, daryeelka hooyada iyo dhallaanka, hirgelinta tiknoolajiyada casriga ah ee dhijitaalka, daawada nukliyeerka, iyo dhiirrigelinta dalxiiska caafimaadka.

Iskaashigan cusub ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato kor u qaadista tayada adeegyada caafimaadka iyo xoojinta awoodda hay’adaha caafimaadka dalka, si loo helo adeegyo caafimaad oo waara, hufan, isla markaana la jaanqaada heerarka caalamiga ah.

Intii uu socday kulan gaar ah oo ay yeesheen wasiirrada labada dal, ayaa si wadajir ah loo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka caafimaad ee labada dhinac, iyadoo la isla qaatay in heshiiskan si wax ku ool ah loo dhaqan-geliyo, lagana miro-dhaliyo natiijooyin la taaban karo oo u adeegaya danaha wadajirka ah ee labada dowladood.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.