Doorasho si weyn loo Sugayo Oo Beri ka Dhaceysa Magaalada Muqdisho

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in ay si rasmi ah u qabsoonto doorashada hoggaanka sare ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed, taasoo lagu dooran doono Guddoomiyaha Guddiga, Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guud.

Doorashadan ayaa ka mid ah dhacdooyinka ugu muhiimsan ee hay’adaha madaxa-bannaan ee dalka, iyadoo ay ku tartamayaan musharrixiin leh aragtiyo, waayo-aragnimo iyo taariikh shaqo oo kala duwan, kuwaas oo mid walba uu doonayo inuu hoggaamiyo hay’addan xasaasiga ah.

Xilka Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqda Aadanaha waxaa u tartamaya saddex musharrax oo kala ah:

Cumar Dr. Cabdulle Calasoow,

Drs. Maryan Qaasim Axmed,

Farxaan Maxamed Jimcaale.

Musharraxiintan ayaa lagu tilmaamaa kuwo leh waayo-aragnimo dhanka hoggaaminta, arrimaha bulshada iyo faham qoto dheer oo ku saabsan ilaalinta xuquuqda aadanaha, taasoo ka dhigeysa tartanka mid adag oo xamaasad leh.

Hab-socodka doorashada waxaa si toos ah u maamulaya Guddiga Doorashada, oo uu hoggaaminayo Cabdikariin Axmed Xasan, kaas oo ballan qaaday in doorashadu u dhici doonto si hufan, caddaalad ah, isla markaana waafaqsan shuruucda iyo xeerarka u degsan hay’adaha madaxa-bannaan.

Doorashadan ayaa si weyn indhaha loogu hayaa, maadaama Guddiga Xuquuqda Aadanaha uu door muhiim ah ka ciyaaro ilaalinta, kor-u-qaadista iyo dabagalka xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, sidoo kalena uu yahay hay’ad si dhow loola shaqeeyo hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa xuquuqda aadanaha.

Shacabka Soomaaliyeed iyo diblumaasiyiin caalami ah ayaa si gaar ah u daneynaya natiijada doorashadan, iyagoo rajeynaya in hoggaan karti leh oo madax-bannaan uu la wareego Guddiga, si loo xoojiyo kalsoonida hay’adda, loona horumariyo doorkeeda ku aaddan ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dalka.

Doorashadan ayaa la filayaa inay noqoto mid saameyn weyn ku yeelata jihada mustaqbalka ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed iyo xiriirka uu la leeyahay beesha caalamka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.