Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo maanta la hadlayey baarlamaanka dalkiisa ayaa mar kale meel adag iska taagay doonista dalkiisa inuu boos ku yeesho badda cas.
Wuxuu yiri “Waa arrin ka soo horjeedda xeerarka dabiiciga ah in loo maleeyo in Itoobiya aysan bad rabin”, wuxuuna intaa ku daray in badda cas ay muhiim u tahay Itoobiya.
“Itoobiya iyo badda cas lama kala reebi karo” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in Itoobiya aysan doonayn inay xoog ku hesho marin ay u marto badda cas.
Dhanka kale, wuxuu arrinta badda cas la barbar dhigay sida ay Israa’iil u koontaroosho guuraleyda Golan Heights oo ay u aragto arrin amnigeeda ku xiran.
Wuxuu sheegay in Israa’iil ay Golan Heights u qabsatay sababo la xiriira walaac xagga amniga ah, Itoobiyana ay danteeda qaranka ku xiran tahay badda cas. “Itoobiya ma doonayso inay xaabbad riddo si ay taas u gaarto” ayuu yiri.
Ra’iisul Wasaare Abiy oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen mudanayaasha baarlamaanka ka weydiiyeen arrinta Eritrea ayaa sheegay in ciidamada Eritrea ay wadeen bililiqo ballaaran oo ay ku jiraan warshado ay biliqaysteen xilligii uu socday dagaalka waqooyiga Itoobiya.
Sidoo kale wuxuu sheegay in xiriirka Itoobiya iyo Eritrea uu xumaaday, isagoo sheegay in Eritrea aysan raali ka ahayn saxiixa heshiiska Pretoria.
“Sidee heshiis loola geli karaa [ TPLF] iyadoo aan TPLF meesha ka baxayn,” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in Itoobiya ay dhowr jeer u dirtay magaalada Asmara saraakiil ka tirsan dowladda si ay u soo celiyaan hantidii laga dhacay dagaalkii Tigray, isla markaana ay joojiyaan bililiqada.
“Markii aanu gaarnay magaalada Adigrat waxaan ugu tagnay warshadii dawooyinka oo la furfurtay, wixii aan laga guurinna waa la duminayay, xaaladuna waxa ay gaartay halkii ugu saraysay, laakiin wakhtigaas dawladda Itoobiya awood uma lahayn in ay ka hortagto.