Somaliya iyo Konfur Africa Oo ka Wada-hadlay Arimo Muhiim ah.(Sawiro)

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Konfur Africa , Mr Ronald Lamola ayaa maanta wada-hadallo laba-geesood ah ku yeeshay Magaaladda Pretoria .

Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, iyo caafimaadka. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay taageerada Jamuuriyada Konfur Africa ee madax-bannaanida, midnimada, iyo amniga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo xiriirka dhow, isla markaana la dardargeliyo tallaabooyin wax-ku-ool ah oo horseeda natiijooyin la taaban karo, si iskaashiga labada dal loogu beddelo horumar dhab ah oo u adeegaya danaha labada shacab.

Shirkan Laba-Geesood ah Ee u dhexeeyay Wasiirada Arimaha Dibada Dalalka Soomaaliya iyo Dalka Konfur Africa Ayaa Waxaa Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya ku Wehlinayay Danjiraha Jamuuriyada Federalka soomaaliya Ufadhiya Dalka Koonfur Africa Amb maxamed Shiekh isxaaq

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.