Booliska Jubaland Oo Gacanta ku Dhigay Rag ka Ganacsanayay Hilibka Hal-galiga

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Booliska Degmada Dhobley ee maamulka Jubaland ayaa gacanta ku dhigay rag si sharci daro ah u laayay ugaadha Gariga, iyo dad ka ganacsayayay hilibka Gariga.

Hawlgalo ay ciidanku ka fuliyeen deegaankaasi ayaa sidoo kale lagu soo qab-qabtay dadka ka ganacsada ugaadha iyo dad si sharci daro ah uga ganacsanayey Hilibka gariga.

Ciidamada booliska magalada Dhobley ayaa meel fagaaraha ku gubay Hilibka gariga si ay ugu quus-qaatan kuwa caadeystay laynta u gaadha iyo ka ganacsigeeda, waxayna saraakiisha booliska Degmada Dhobley ay sheegeen in sharciga la waafajin doono dadkaasi iyagoo dhanka kale digniin adag u diray dadka ku hawlan ka ganacsiga u gaadha

Deeganada jubaland ayaa waxaa ka mamnuuc ah laynta u gaadha Waxaana mar waliba Dhobley ka dhacaa hawlgalo lagu baacsanyo dadka ku hawlan kaganacsiga u gaadha.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.