Mareykanka Oo ku Dhawaaqay inay u Socdaan Gaaska Dareeraha ah Ee Xeebaha Somaliya Laga Helo.

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Mareykanka ayaa markii ugu horreysay si cad ugu dhawaaqay inuu u socda gaaska dareeraha ah ee laga helo xeebaha Soomaaliya, kaddib markii telefishinka ku dhow maamulka Trump ee Fox News, uu ka soo xigtay arintan Jen. John Brennan, oo ah sarkaalka labaad ee ugu sarreeya Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) in hawlgallada militari ee Mareykanka ee Soomaaliya ay horseedi karaan fursado ganacsi oo waaweyn.

Jen. John Brennan oo arimahan ka hadlaya ayaa yiri;-“Soomaaliya waxay leedahay kheyraad dabiici ah oo sababo la xiriira xaaladda amni, aanay Soomaalidu ka faa’iideysan,hadda Soomaalidu waxay ogaanayaan inay haystaan macdan muhiim ah…Xeebaha Muqdisho waxaa ku jira gaas dabiici oo dareere ah (LNG). Marka si fudud loo hadlo, hubka ugu xooggan ee aan leenahay marka laga eego aragtida Afrika waa dhaqaalaha gaarka loo leeyahay.

Brennan oo hadalka sii wata ayaa xusay in arintan ay ku guulaysan karaan, islamarkaana ay soo jiidan karto maalgelin ganacsi oo gaar loo leeyahay, sida ka jirta dalal kale oo Afrika ah, taasi waxay noqon doontaa damaanad amni.

Screenshot

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.