Maraykanka Oo soo Riday Drone Iran Leedahay Oo kusoo Dhawaatay Markab Ciidan

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada Militariga Maraykanka ayaa soo riday diyaarad drone ah oo ay leedahay Iran, kaddib markii ay kuso dhawaatay markab diyaarado xambaara oo ay leeyihiin Ciidamada Badda Maraykanka, iyadoo ujeeddadeedu ay ahayd mid aan caddayn, sida uu FOX News u sheegay afhayeen u hadlay Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM).

Afhayeenka ayaa sheegay in USS Abraham Lincoln (CVN 72) uu marayay Badda Carabta, qiyaastii 500 mayl meel u jirta xeebaha koonfureed ee Iran, markaas oo drone nooca Shahed-139 ah oo ay leedahay Iran ay si aan loo baahnayn ugu leexatay dhanka markabka, arrintaas oo keentay in la soo rido.

Dhacdadan ayaa sii kordhinaysa xiisadda amni ee ka taagan gobolka, gaar ahaan Badda Carabta iyo Khaliijka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.