Heemaal News Network

Ruushka Oo ku Hanjabay in uu Eryi doono Diblumaasiyiinta Maraykanka

Dowlada Ruushka ayaa u yeertay safiirka Maraykanka u jooga magaalada Moscow, waxayna ku hanjabtay inay dalkeeda ka eryi doonto diblumaasiyiinta Maraykanka ah si ay uga mudaaharaadaan wax ay ku sheegeen faragelinta Washington ee arrimaha gudaha.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu eedeeyay Mareykanka in uu maalgeliyo kooxaha aan faa’iido doonka ahayn ee Ruushka ka soo horjeeda iyo faafinta warar been abuur ah ka hor doorashadiisa madaxtinimo ee dhammaadka bishan.

Danjire Lynne Tracy oo safiirka Mareykanka ee Ruushka weli kama hadlin.

Waxay ka mid ahayd dhowr dublamaasiyiin ajnabi ah oo ka qaybgalay aaska Moscow ee hoggaamiyihii mucaaradka Alexei Navalny oo xabsiga ku geeriyooday

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Yuhuuda Oo Weerartay Dagaanadii Ay Masar Ku Tilmaamtay Khadka Cas

Heemaal

Spain Oo Lacag Ugu Deeqaysa Xeer Ilaaliyaha ICJ Si Loo Baadho Xasuuqa Gaza

Heemaal

US Oo Xaqiijiyey In Israel Ku Dishay Qof Maraykan Ah Daanta Galbeed

Heemaal