Taalibaan Oo si Adag Uga Jawaabtay Hadal Uga Yimid Qaramada Midoobey

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Afhayeenka dowladda Taalibaan ee Afghanistan, Zabihullah Mujaahid, ayaa sheegay in walaacyada laga muujiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan amniga Afghanistan iyo joogitaanka kooxo hubeysan oo dalka ka jira ay yihiin “kuwo aan sal iyo raad lahayn.”

“Waxaan idiin xaqiijinaynaa in Afghanistan ay ammaan tahay, mana jiraan kooxo shisheeye ama kuwo dulmi wata oo halkan jooga,” ayuu ku qoray farriin uu Khamiista maanta ah ku baahiyay barta X.

Wuxuu intaas ku daray, “Arrinta ISIS, oo lagu jabiyay Afghanistan, ayaa nasiib darro xaalad xun ka abuurtay deriskeenna.” “Markaan niraahno dhulka Afghanistan looma adeegsan doono in lagu waxyeelleeyo cidna, waxay ka dhigan tahay in aan cidna loo oggolaanayn,” ayuu yiri Mujaahid.

Hadalkan ayaa yimid xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Arbacadii shalay yeeshay kulan looga hadlayay khataraha soo kordhaya ee ka imanaya kooxda Dowladda Islaamiga ah (IS) ee caalamka iyo siyaabaha looga hortagi karo, iyadoo walaac laga muujiyay joogitaanka ISIS iyo kooxo kale oo hubeysan oo shisheeye oo ku sugan Afghanistan.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.