Wararka hoose ee laga helayo Villa Soomaaliya ayaa muujinaya in safarka la qorsheynayo ee Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweyne Donald Trump u qaabilsan Afrika, Massad Boulos, uu xambaarsan yahay muhiimad siyaasadeed, amni iyo mid dhaqaale oo ballaaran. Safarkan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya wada-hadallo ku saabsan macdanta naadirka ah (Rare Earth Minerals), kuwaas oo Maraykanku daneynayo maadaama ay muhiim u yihiin warshadaha tiknoolajiyadda, difaaca iyo tamarta casriga ah.
Maraykanku wuxuu doonayaa inuu yareeyo ku-tiirsanaanta Shiinaha ee sahayda macdantan, halka Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika, loo arko meel leh kheyraad aan weli si buuxda loo baarin. Soomaaliya ayaa si gaar ah isha loogu hayaa sababo la xiriira goobteeda istiraatiijiga ah, xeebteeda dheer iyo warbixino sheegaya macdan qiimo sare leh oo ku jirta dhulka iyo badda.
Taliye ku xigeenka AFRICOM ayaa dhawaan sheegay in Maraykanku daneynayo macdan qaali ah oo ku jirta xeebaha Muqdisho, isla markaana heshiis la gaaro ay Soomaaliya ku heli karto amni, ayaa muujinaya in arrintani aysan ku koobneyn dhaqaale oo keliya balse ay si toos ah ula xiriirto amniga iyo saameynta istiraatiijiga ah ee Maraykanka ee gobolka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa heshiiskan mid kor u qaadi kara xiriirka Washington, soo jiidan kara taageero siyaasadeed iyo mid amni, isla markaana yareyn kara culayska siyaasadeed ee saaran Madaxweyne Xasan Sheekh, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo taageerada caalamiga ah.
Saraakiil sare ayaa xaqiijiyay in wafdiga la filayo uu yahay kan ugu miisaanka culus ee ka imanaya maamulka Trump, taas oo muujinaysa in Maraykanku u arko Soomaaliya dal leh muhiimad istiraatiiji ah oo ka baxsan aragtidii hore ee ku koobneyd la dagaallanka argagixisada.
Massad Boulos, oo sidoo kale qaabilsan dalalka Carabta isla markaana ka mid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya, ayaa loo arkaa shaqsi si fiican u fahmaya isku xirka danaha Afrika, Carabta iyo siyaasadda Maraykanka. Haddii wada-hadalladan ay miro dhalaan, waxaa la filayaa isbeddel weyn oo ku yimaada xiriirka labada dal, inkastoo ay sidoo kale dhalin karto dood ku saabsan ilaalinta kheyraadka qaranka iyo sida faa’iidada heshiiskan ay uga muuqan doonto nolosha shacabka Soomaaliyeed.