Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in mas’uuliyadda darrada ka socota golayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay dhaawac ku tahay horumarka iyo hannaanka dowlad-dhiska dalka.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay, sida uu hadalka u dhigay, in hoggaanka ugu sarreeya dowladda uu ku socdo jid wax u dhimaya xeerarka dowladnimada iyo kala dambeynta sharci ee dalka.
“Waa masuuliyad darro waxa ka socda golahii BJF Soomaaliya oo ah muraayaddii dalka, mana ahan suuragal in horteenna lagu burburiyo hannaanka dowlad-dhiska dalkeenna oo meel fog laga keenay” ayuu yiri shariif
Madaxweynihii hore ayaa si gaar ah u dhaliilay Madaxweynaha hadda talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay inuu ku soo laabtay siyaasad ku dhisan xayiraad iyo faragelin lagu sameeyo howlaha sharci-dejinta, taas oo uu sheegay inay dhaawaceyso heshiisyadii siyaasadeed iyo dastuurka dalka.
Wuxuu xusay in ilaalinta dowladnimada ay muhiim u tahay isla-xisaabtan, daah-furnaan iyo in la dhowro hay’adaha sharci-dejinta. Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in Baarlamaanka uu yahay hay’adda matasha shacabka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in la dhowro madax-bannaanidiisa iyo doorkiisa dastuuriga ah.
Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay in haddii la sii wado waxa uu ku tilmaamay “ku tumashada xeerarka dowladnimada”, ay taasi keeni karto khilaaf siyaasadeed iyo kalsooni darro ku timaadda hay’adaha dowliga ah, taas oo saameyn ku yeelan karta mustaqbalka dowlad-dhiska Soomaaliya.
Dhanka kale, wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo madaxda kale ee dowladda inay si degdeg ah u joojiyaan tallaabo kasta oo khilaaf abuuri karta, isla markaana dib loogu laabto wadahadal, wada-tashi iyo xoojinta wadajirka siyaasadeed ee dalka.
War-saxaafadeedkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan murano siyaasadeed oo la xiriira shaqada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo khilaafaad u dhexeeya hay’adaha dowladda.
HOOS KA DAALACO WAR SAXAAFADEEDKA
