Wasiirka Maalgashiga ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa magalada Dimishiq kaga dhawaaqay in la aasaasay shirkad diyaaradeed oo ay wada leeyihiin Sucuudiga iyo Suuriya, taasoo loogu magac daray “Nas Suuriya.” Isla markaana ay duulimaadyadeedu noqon doonaan kuwo raqiisa.
Sucuudiga ayaa sidoo kale garoonka diyaaradaha ee Aleppo ku maalgalinaya 2 bilyan oo loogu talagalay in garoonkaasi lagu horumariyo.
Sacuudiga iyo Suuriya ayaa maanta kala saxiixday heshiisyo badan. Waxaa sidoo kale heshiisyadaas kamid ah mashruuc ku kacaya 1 bilyan oo dollar oo lagu maalgaliyo isgaarsiinta Suuriya, maadaama isgaarsiintii Suuriya ay burburtay dagaalkii sokeeye ee 14 sano socday.
Dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga ayaa doonaya inuu si wayn u maalgaliyo dib u dhiska kaabayaasha horumarka ee Dalka Suuriya, kuwaasoo si wayn ugu burburay dagaalkii sokeeye ee dalkaasi.