Madaxweynaha Somaliland oo wareysi siiyay Wargeyska ISR ee Globes ayaa Cambaarreeyay go’aankii ay Dowladda Soomaaliya hawadeeda uga mamnuucday diyaaradaha Arkia ee ISR laga leeyahay, isagoo sheegay in duulimaadyada rayidka ah loogu tallagalay iskaashi iyo ammi oo aysan habooneyn in la xanibo.
Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa ugu baaqay Shirkadaha ISR iney maalgashi ku sameystaan Somaliland oo ay maalgashadaan dhinacyada khayraadka dabiiciga, dekadaha, beeraha, iyo dalxiiska, isaga oo yidhi “”Waxaan hodan ku nahay khayraadka dabiiciga ah, Maalgashadayaashana waan soo dhaweynaynaa.”