Warbaahinta rasmiga ah ee dowladda Aljeeriya ayaa maanta oo Sabti ah baahisay in dalku uu bilaabay hannaanka loogu soo afjarayo heshiiskii adeegga duulimaadyada ee kala dhexeeyay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Heshiiskan oo la saxiixay bishii May ee sannadkii 2013-kii, kana dhacay magaalada Abu Dhabi, ayaa ahaa laf-dhabarta iskaashiga hawada ee labada dal muddo ka badan toban sano.
Tallaabadan ayaa u muuqata mid salka ku haysa xiisadaha diblomaasiyadeed ee muddooyinkii u dambeeyay soo kala dhex galay labada waddan. Inkastoo aan si rasmi ah loo faahfaahin sababaha keenay baabi’inta heshiiska xilligan, haddana waxay ku soo aadaysaa xilli xiriirka labada dowladdood uu marayo meeshii ugu hoosaysay, iyadoo Aljeeriya ay horey u muujisay tabashooyin la xiriira arrimaha gobolka oo ku saabsan hab dhaqanka Imaaraadka ee ka caraysiiyay dalalka Carabta.
Go’aankan ayaa la filayaa inuu saameyn toos ah ku yeesho safarrada hawada iyo ganacsiga u dhaxeeya labada waddan, iyadoo Aljeeriya ay hadda u muuqato mid dib u eegis ballaaran ku samaynaysa xiriirka ay la leedahay xulafada Khaliijka ee saaxiibka la ah Imaaraadka.
