Iran Oo si Adag u Cambaareesay Laba-wajiilaynta Mareykanka Iyo Nataniyahu Oo ku Wajahan Maraykanka

by Heemaal
1 minutes read

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa si adag u cambaareeyay laba-wajiilaynta Mareykanka oo u oggolaanaya Israa’iil inay ballaariso awooddeeda milatari, halka dalalka kale ee gobolka lagu cadaadinayo in ay yareeyaan awoodahooda difaac.

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay Madasha Al Jazeera ee ka socota magaalada Dooxa ee dalka Qatar, taas oo ah munaasabad soconaysa saddex maalmood, islamarkaana diiradda saaraysa isbeddellada juqraafi-siyaasadeed ee ka socda Bariga Dhexe.

Dhinaca kale Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu , ayaa maalinta Salaasada ee toddobaadkan u safraya magaalada Washington ee dalka Mareykanka , halkaasoo uu kula kulmi doono Madaxweyne Donald Trump sida uu ku waramay Telefiishanka Channel 12 .

Labada hogaamiye oo kulankoodu dhici doono maalinta Arbacada ah , ayaa ka wada hadli doonaa xiisadaha colaadeed ee ka oogan Bariga Dhexe , gaar ahaan dalka Iiraan oo diirada Mareykanku saaran tahay lagana yaabo in weerar lagu qaado , haddii natiijo laga gaadhi waayo wadahadallada barnaamijka Nuclear-ka .

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.