Suuriyada ayaa si rasmi ah u diidday maalgashi ay Imaaraadka Carabta (UAE) ka sameyn lahaayeen waaxyaha isgaarsiinta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha (infrastructure).
Go’aankan ayaa imanaya xilli ay jireen wadahadallo la xiriiray iskaashi dhaqaale, iyadoo diidmada Dimishiq ay muujinayso kala aragti duwanaansho siyaasadeed iyo mid istiraatiiji ah oo weli ka dhex taagan labada dhinac.
Sidoo kale, tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa xilli dalal badan oo Carbeed ay sii yareynayaan kana sii fogaanayaan la macaamilka Imaaraadka Carabta (UAE), sababo la xiriira is-khilaafaad siyaasadeed, walaac ku saabsan faragelin goboleed, iyo kalsooni-darro sii kordheysa oo ku aaddan doorka Abu Dhabi ee arrimaha gobolka.