Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweyn meeqaamkeedu aad u sareysay loogu sameeyay Qasriga Madaxtooyada Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira ee Caasimadda Jamhuuriyadda Carabeed ee Masar, halkaasoo uu ku qaabilay dhiggiisa Mudane Cabdifataax Al-Sisi.
Madaxweynaha Masar ayaa sheegay ineysan aqbalayn oo ay kasoo horjeedaan talaabooyin kasta oo khatar gelinaya ammniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyo guud ahaan geeska Afrika.
Madaxweynaha Masar Abdifatah Alsisi ayaa dhanka kale sheegay in Ammniga badda-cas uu yahay masuuliyad gaara oo saaran dowladaha xeebaha leh oo kaliya.



