Dowladda Federaalka ayaa sheegtey in kheyraadka Soomaaliya ay iyada oo keli ah ka mas’uul tahay ayna sharci la tiigsanayso shirkadaha UAE ee gacanta ku haya dekedaha Puntland, Somaliland & Jubbaland sida uu Al-Jazeera u sheegey Wasiiru-dowlaha Arrimaha-dibedda, Cali Balcad.
“Dekedaha Berbera, Boosaaso & Kismaayo waxa heshiis lagula galay Shirkadda Imaaraadka waa sharci darro isla markaana ma ahan kuwo ansaxaya, dabcan heshiisyadaan laguma gelin fasax laga qaatay Dowladda Federaalka Soomaaliya, saddexaad dedkedood waa hanti Soomaaliyeed oo la dhisay 1960-meeyadii & 1970-meeyadii, sidaas darteed Shacabka Soomaaliyeed waxaa heshiisyo ku saabsan Khayraatkooda oo lala galo Waddan Shisheeye ku matalaysa Dowladda Dhexe. arrintaan waxa aan u gudbin doonnaa khubarro dhinaca sharciga ah si ay noogu caddeeyaan xaaladdeeda sharciyeed.”