Heemaal News Network

Dal Yurub kuyaalla Oo Maxkamadeenaya Nin Adeer u ah Madaxweynaha dalka Syria

Dalka Switzerland ayaa lagu wadaa in maxkamad lagu saaro Rifaat al-Assad oo adeer u ah madaxweynaha dalka Syria Bishaar Al Asad, waxaana ninkan lagu heestaa dambiyo dagaal oo sannado badan kahor ka dhacay dalka Syria.

Rifaat al-Assad oo la dhashay madaxweynihii hore ee dalka Syria Xafid Al-asad ayaa lagu eedeyay in uu qeyb ku lahaa dagaalo ka dhacay dalka Syria xilligaasi oo xukunka dalkaasi uu hayay walaalkiis.

Xeer ilaaliyaha guud ee Switzerland ayaa sheegay in eedeymaha ka dhanka ah Rifaat al-Asad ay la xiriiraan doorkii uu ku lahaa dagaalkii u dhexeeya ciidamada Syria iyo mucaaradkii Islaamiyiinta horaantii 1980-yadii, xiligaas oo mucaaradka isku dayeen af-gambi.

Ninkan adeerka u ah madaxweynaha dalka Syria ayaa beeniyay eedeymaha isaga ka dhanka ah, waxa uuna sheegay in aysan jirin wax dambi dagaal iyo dhibaatooyin kale uu geestay, ayna tahay kiiskiisa mid siyaasadeed.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Taliyaha Atlanta Ee Midowga Yurub Oo Gaaray Muqdisho Xoojinta Amniga Xeebaha-na kala Hadlay Madaxda Somaliya

Heemaal

Weerar Mindi loo Adeegsaday Oo ka Dhacay Xarun Tareen Oo ku Taala Paris

Heemaaln

Qoomiyada Amxaarada Oo ka Horyimid Heshiiska Badda Ee Somaliland Iyo Itoobiya

Heemaal