RSF Oo Sudan ka Geysatay Xasuuq kale iyo Turkiga oo si Kulul uga Hadlay

by Heemaal
1 minutes read

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Turkiga ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo ay si adag ugu cambaareyneyso weerar arxan darro ah oo ay ciidamada Gurmadka Degdega ah ee Suudaan (RSF) ku qaadeen gaari siday dad rayid ah oo barakacayaal ah, kaas oo ka dhacay gobolka Waqooyiga Kordofan.

Bayaanka ka soo baxay dowladda Turkiga ayaa lagu xaqiijiyay in weerarkaas ay ku dhinteen ugu yaraan 24 ruux oo rayid ah, kuwaas oo ahaa dad isaga barakacayey colaadaha ka jira dalka Suudaan.

“Waxaan ka xunnahay in dad badan oo rayid ah ay ku waayeen naftooda weerar ay ciidamada RSF ku beegsadeen gaari siday dad barakacayaal ah. Weerarkani wuxuu ka dhigan yahay xadgudub cad oo bini-aadantinimo, wuxuuna baal-marsan yahay xeerarka caalamiga ah ee ilaalinta dadka shacabka ah iyo kaabayaasha rayidka xilliyada dagaallada hubaysan,” ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga.

Dowladda Turkiga waxay mar kale ku celisay baaqeedii ku aaddanaa in nabad lagu wada noolaado, isla markaasna laga fogaado wax kasta oo keeni kara dagaal, ugu dambeyntii, Turkiga ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkaas, isagoo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.