Itoobiya iyo Eritrea Oo Qarka u Saaran Dagaal

by Heemaal
1 minutes read

Xiisadda Itoobiya iyo Eritrea ayaa si wayn cirka iskugu shareertay, iyadoo Itoobiya ay ku eedeysay Eritrea iney kasoo gudubtey xuduudka Isla markaana ay qaaday talaabooyin milatari oo sii hurinaya colaada.

Itoobiya waxay ku eedeysay Eritrea in duulaan milatari ay kusoo qaaday gudaha dhulka Itoobiya, iyadoo kaashaneysa kooxo falaago ah, waxayna Addis Ababa ka digtay in Asmara ay dooratey jid sii hurinaya colaada.

Itoobiya waxay sheegtay in dhaqdhaqaaqyada ciidamada Eritrea ay ka wado xuduudka aysan ahayn daandaansi oo kaliya balse ay yihiin falal gardarro ah oo ka dhana madax banaanida Itoobiya.

Dhanka kale Eritrea ayaa beenisay eedeymaha Itoobiya, iyadoo ku eedeysay Addis Ababa iney abuureyso marmarsiiyo been abuura oo ay uga dan leedahay iney ku sharciyeysato duulaan milatari oo ay ku qaado dalkeeda.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.