Somaliya iyo Sucuudiga Oo Saxiixi doona Heshiis Difaac oo u Dhexeeya Labada dal.(Sawiro)

by Heemaal
0 minutes read

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga ayaa saxiixi doonaa heshiis difaac oo u dhexeeya labada dal sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya.

Wasiiradda Gaashaandhigga iyo amniga ayaa booqasho shaqo ku jooga magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo ay maanta uga qaybgaleen furitaanka Bandhigga Difaaca Adduunka (World Defense Show) 2026 oo ka furmay Riyaad.

Bandhiggan, oo ah kii saddexaad, ayaa socon doona 8 ilaa 12 Febraayo 2026, waxaana ka qaybgalaya wufuud caalami ah, hay’ado dowladeed, iyo shirkado ku takhasusay warshadaha difaaca iyo amniga.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.