Diyaaradaha dagaalka ee F-15 ayaa ilaalin doona hawada sare ee ku wareegsan Levi’s Stadium ee magaalada Santa Clara inta uu socdo Super Bowl-ka oo dhan, sida ay werisay NBC News.
Maamulka duulista hawada ayaa xiray hawada ku wareegsan garoonka, masaafo dhan shan mayl. Waxay kormeerayaan aagga si ay ula socdaan diyaarado ama dronooyin keeni kara khatar.
“Sidii ay kooxaha Super Bowl-ka isugu diyaariyaan ciyaarta ka hor, annaguna mar walba waan is diyaarinaynaa oo waan tababaranaynaa,” ayuu yiri Gaashaanle Sare Daniel Behrens oo la hadlay NBC News.
Duuliyeyaasha ayaa ku tababartay inay qabtaan diyaarado aan la aqoonsan oo soo gala hawada la mamnuucay. Haddii qof jebiyo xeerka, diyaaradaha dagaalka waxay hawada geli karaan daqiiqado yar gudahood.
“Waxaad la yaabi lahayd sida uu qof uga bixi karo qolka hurdada, digniinta kadib, una gali karo hawada si uu u fuliyo hawl qabasho,” ayuu yiri Kornayl Joel Pauls.
Pauls wuxuu sheegay in dronooyinku noqdeen dhibaato sii kordheysa.
“Guud ahaan meel kasta waxaa ka kordhay isticmaalka dronooyinka, markaa runtii waa arrin aan ka walwalsan nahay,” ayuu yiri.
Diyaaradaha F-15-ka waxaa ku rakiban gantaallo nool, balse ujeeddadu mar walba waa in xaaladda la dejiyo.
“Xulasho aad u xun”
Bandhigga nasashada (halftime show-ga) waxaa hoggaamin doona Bad Bunny, kaas oo dhowaan ku guuleystay abaalmarinta Album of the Year ee Grammy Awards 2026.
Fannaankan u dhashay Puerto Rico, oo magaciisa dhabta ah yahay Benito Antonio Martínez Ocasio, wuxuu noqonayaa fannaankii ugu horreeyay ee Latini ah oo ku hadla Isbaanish isla markaana kaligiis hoggaamiya bandhiggan aadka loo doonayo.
“Ku soo dhowaada Benitobowl,” sida ay taageerayaashu ugu yeeraan.
Taageerayaasha Trump ayaa si adag uga falceliyay xulashada Bad Bunny. Faallo-bixiyeyaal midig-u-janjeera ayaa ku tilmaamay “Bad Bunny Rabbit” waxayna dalbadeen in bandhiggu noqdo mid keliya ku baxa af-Ingiriisi.
Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada, Mike Johnson, ayaa sheegay inuu doorbidi lahaa fannaan matala “qiyamka dhaqameed ee Mareykanka”. Trump laftiisa ayaa ku tilmaamay xulashada Bad Bunny “xulasho aad u xun”, wuxuuna go’aansaday inuusan ka qaybgelin ciyaarta.
“Waxa kaliya ee tani sameyneyso waa inay faafiso naceyb,” ayuu Trump u sheegay New York Post.
Bad Bunny wuxuu ku guuleystay saddex abaalmarin oo Grammy ah toddobaadkii hore, oo ay ku jirto abaalmarinta Album-ka Sanadka, taasoo ahayd markii ugu horreysay ee album af-Isbaanish ku qoran uu ku guuleysto abaalmarinta ugu sarreysa ee soo saarista muusigga.
“Waxay noqon doontaa xaflad weyn. Waxa ay dadku iga filan karaan waa inaan masraxa keeno wax badan oo ka mid ah dhaqankeyga,” ayuu Bad Bunny ku yiri wareysi Khamiistii, sida ay werisay AP News.
“Laakiin wax faahfaahin ah ma bixin doono. Waxay noqon doontaa mid madadaalo leh,” ayuu sii raaciyay.
Bandhiggu wuxuu socon doonaa 13 daqiiqo, wuxuuna imanayaa wax yar kadib markii Bad Bunny ku guuleystay Grammy-giisii ugu horreeyay ee album-ka “Debí Tirar Más Fotos” oo ah muujin jacayl uu u hayo Puerto Rico.
Intii uu jeedinayay hadalka mahadcelinta, Bad Bunny wuxuu jeediyay hadal siyaasadeed oo ka dhan ah hay’adaha socdaalka Mareykanka.
“ICE ha baxdo! Ma nihin xayawaan, ma nihin makhluuqaad kale. Waxaan nahay dad, waana Mareykan,” ayuu yiri.
Hadda dad badan ayaa qiyaasaya inuu soo bandhigi doono fariimo siyaasadeed oo la mid ah intuu socdo bandhigga nasashada ee Super Bowl-ka.