Mudaharaad ka Dhan ah Israel Oo ka Dhacay Maanta π—¦π˜†π—±π—»π—²π˜† Xili Uu Madaxwaynaha Israel

by Heemaal
1 minutes read

Kumannaan taageerayaal Falastiin ah ayaa isniintii mudaharaadyo ka dhigay magaalooyin kala duwan oo Australia ah, iyaga oo ka soo horjeeday booqashada Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog. Dibadbaxyada ugu waaweyn ayaa ka dhacay Sydney, halkaas oo booliisku geeyeen ilaa 3,000 askari, isla markaana ay xayiraado saareen mudaharaad loo qorsheeyay in uu gaaro Baarlamaanka New South Wales.

Herzog ayaa booqashadiisa ka bilaabay Bondi Beach, isagoo ubax dhigay xusuus-qor loo sameeyay dhibbanayaashii weerarkii dhacay December, kaasi oo ay ku dhinteen 15 qof xilli lagu jiray xuska Hanukkah. Wuxuu sheegay in weerarkaasi ahaa mid lagu bartilmaameedsaday qiyamka dimuqraadiyadda iyo wada-noolaanshaha.

Ra’iisul Wasaaraha Australia, Anthony Albanese, ayaa ku baaqay in la ixtiraamo ujeeddada murugada leh ee booqashada herzog, halka Herzog uu eedeeyay mudaharaadyada, isagoo ku tilmaamay isku dayo lagu wiiqayo jiritaanka Israa’iil.

Dhanka kale, ururrada xuquuqda aadanaha iyo dibadbaxayaasha ayaa sheegay in Herzog uusan ka badbaadi karin dhaliil, iyagoo ku eedeeyay inuu masuul ka yahay dhibaatada ka taagan Gaza, islamarkaana ay mudaaharaadyadu yihiin cod sharci ah oo lagu dalbanayo isla-xisaabtan iyo caddaalad.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.