Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sh.Maxamed Bin Zayed oo dhiggiisa Masaarida, Cabdifitaax Siisi la qaatay kulan qado ah ayaa hoosta ka xarriiqay xoojinta midnimada dalalka Carabta iyo in wada-hadall lagu xalliyo xiisadaha mandiqadda, sida ay werisey wakaaladda UAE ee WAM.
Al-Siisi ayaa socdaal uu maanta ku tagay Abu-dhabi ku tilmaamay ‘Walaalnimo’ maalin ka dib kulankii uu la qaatay Madaxweyne Xasan Shiikh oo isagu hoos u dhigey xidhiidhka Imaaraadka UAE.
Madaxweynaha Masar ayaa sheegay Muhiimadda ay leedahay sii wadidda dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka gobolka si nabad ah, iyada oo la ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida dalalka iyo kheyraadka shucuubta Carabta, la iska-na ilaaliyo wax kasta oo keeni kara xiisad hor leh oo saameyn doonta dhammaan dhinacyada” bayaan ka soo baxay madaxtooyada Masar.

