Madaxwaynaha Yemen Oo Dhaariyay R/Wasaaraha Iyo Masuuliyiin kale Oo Uu Magacaabay

by Heemaal
1 minutes read

Madaxweynaha Golaha Hoggaanka Madaxweynaha Yemen, Dr. Rashaad Maxamed Al-Caliimi, ayaa maanta Isniin ah dhaariyey Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Yemen Dr. Shaa’i Muxsin Al-Zandaani, kaas oo sidoo kale loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dhaariyey xubnaha kale ee xukuumadda cusub oo isugu jira wasiirro iyo wasiirro dowlo, kuwaas oo loo kala magacaabay wasaaradaha warfaafinta, maamulka deegaanka, dhalinyarada iyo ciyaaraha, beeraha iyo kalluumeysiga, amniga gudaha, biyaha iyo deegaanka, ganacsiga, caafimaadka, caddaaladda, waxbarashada, difaaca, dhaqanka, tamarta, maaliyadda, qorsheynta, shaqada, isgaarsiinta, shidaalka, gaadiidka, kaabeyaasha, arrimaha bulshada, xuquuqda aadanaha, awqaafta, iyo wasaarado dowlo kala duwan.

Dhaarinta ayaa qayb ka ah dhismaha iyo dhammaystirka xukuumadda cusub ee Yemen, taas oo lagu wado inay wajahdo caqabado siyaasadeed, dhaqaale iyo amni, isla markaana ka shaqeysa xasilinta dalka iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.