RW Jarmalka Oo soo Bandhigay Dhibaatada ay Reer Galbeedka kala kulmeen Iiran

by Heemaal
2 minutes read

Ra’iisul wasaarihii hore ee Jarmalka, Olaf Scholz ayaa maanta soo bandhigay aragtidiisa dhibaatada ay reer galbeedka kala kulmeen Iiraan, isagoo ku si feeyay , isla ficil ay horey u sameeyeen Mareykanka iyo Ingiriiska , inay ka dhalatay marxalada xilligan ay la dhibtoonayaan.

Wuxuu yiri ;

“Dhammaan dhibaatada ka taagan Iiraan waxay ka dhalatay markii dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanka ay rideen dowladdii dimuqraadiga ahayd ee Iiraan, kuna beddeleen kaligii-taliye ahaa Shaahii. Shaahigaas ayaa isna markii dambe la riday, waxaana talada la wareegay hoggaamiyeyaasha maanta jira, kuwaas oo dhisay kaligii-talis adag, taas oo ka duwan wixii dad badan ay waqtigaas rajeynayeen.Haddii aan la ridi lahayn dowladdii dimuqraadiga ahayd ee Iiraan bilowgii, arrin loo sameeyay danaha shidaalka, Iiraan maanta waxay ahaan lahayd dal xiriir la leh galbeedka oo aad u guuleysta.”

Maxay ahayd dawladdii Iiraan ee Mareykanka iyo Ingiriiska ay rideen?

Horraantii 1950-meeyadii, Iiraan waxay lahayd nidaam dastuuri ah. Dalka ma ahayn jamhuuriyad, balse wuxuu ahaa boqortooyo dastuuri ah oo uu hoggaaminayay Mohammad Reza Shah Pahlavi, halka awoodda dhabta ah ay ku jirtay Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha. Xilligaas, talada waxaa hoggaaminayay Ra’iisul wasaarihii u dambeeyay ee Iiraan, Mohammad Mossadegh, oo ahaa siyaasi qaran-doon ah, si sharci ahna ugu yimid awoodda isaga oo ku tiirsan codka baarlamaanka iyo taageerada shacabka.

Xukunkii Mossadegh wuxuu ahaa mid ay ka jireen xorriyad siyaasadeed, saxaafad madaxbannaan, xisbiyo firfircoon, iyo doodo baarlamaan oo dhab ah. Dadku way dhaliili kareen dowladda, wargeysyada waa ay wax qori kareen, awoodduna ma aysan ku urursaneyn hal qof ama hay’ad kaliya. Taasi waxay ka dhigtay Iiraan mid ka mid ah dalalkii yar ee Bariga Dhexe ee waqtigaas ay ka jirtay awood furan.

Go’aankii ugu weynaa ee Mossadegh wuxuu ahaa qarameynta khayraadka u horreyay ee shidaalka Iiraan oo loola jeedo, wuxuu u socday in shirkaddo Iiraani ah oo dawladdu leedahay ay maamulaan. Tallaabadan waxay si toos ah u taabatay danaha Ingiriiska iyo shirkaddii British Petroleum, sidoo kalena waxay dhalisay walaac Mareykan ah xilli uu socday dagaalkii qaboobaa. Halkii arrintaas lagu xallin lahaa wadahadal siyaasadeed, waxaa la doortay faragelin qarsoon.

Sannadkii 1953, CIA-da Mareykanka iyo MI6-da Ingiriiska waxay fuliyeen afgambi lagu riday Mossadegh, dibna awoodda oo dhan la siiyay Mohammad Reza Shah Pahlavi. Halkaas ayay ka bilaabatay burburkii nidaamka dimuqraadiga ahaa. Waxaa la dhisay sirdoon wax cabburiya (SAVAK), la xiray mucaaradkii, la aamusiiyay saxaafaddii, awoodduna waxay ku ururtay hal qof.

Kali-talisnimadii Shaahiga oo socotay in ka badan 25 sano waxay abuurtay caro bulsho, dulmi siyaasadeed, iyo kala go’ ka dhex abuurmay dowladda iyo shacabka, xaaladan oo dhalisay in nidaamka kacaanka ee qoyska reer Khamenei oo xukunka la wareegay 1979. Marxalada hadda lagu jirana waa in CIA-da iyo Mossad ay xukunka ka ridaan kacaanka oo qof ka tirsan qoyska Shaah oo daacad u ah Israa’iil xukunka loo dhiibo, taa oo ka dhigan isla qaladkii hore inay ku soo celiyaan.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.