Laba Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar diyaaradeed oo drone ah oo ay Israa’iil ka fulisay bartamaha Gaza maalintii Talaadada.
Weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday nin watay mooto koronto ku shaqeysa, sida ay sheegeen ilo maxalli ah.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in qof kale uu si daran ugu dhaawacmay weerarkaasi.
Tan iyo xabad-joojintii bishii Oktoobar 2025, Israel ayaa lagu eedeeyay inay sii waddo duqeymaha iyo weerarrada ka dhanka ah dadka reer Falastiin, gaar ahaan Marinka Gaza.
Wararka ayaa sheegaya in muddadaas ilaa hadda ay ku dhinteen dad tiro ahaan kor u dhaafaya 600 boqol oo qof ,halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo isdaba joog ah oo weli ka socda deegaannada colaadu saameysay.