Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Itoobiya, Redwan Hussien, ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Addis Ababa Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan Al Saud, oo maanta booqasho rasmi ah ku tagay dalka Itoobiya.
Booqashada wasiirka Sacuudiga ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya labada dal. Inta uu ku sugan yahay Addis Ababa, Amiir Faisal bin Farhan waxa uu wada-hadallo gaar ah la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.
Kulammada la filayo ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo arrimaha gobolka, iyadoo labada dhinac ay muujinayaan muhiimadda ay siinayaan iskaashiga labada dal iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.
Booqashadan ayaa imaneysa xilli ay sii xoogeysanayaan xiriirrada siyaasadeed iyo dhaqaale ee u dhexeeya Riyadh iyo Addis Ababa, kuwaas oo salka ku haya danaha wadajirka ah iyo iskaashi muddo soo socday.
