Raiisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa magaalada Addis Ababa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Faysal Bin Farhan Al Saud, oo booqasho rasmi ah ku tagay dalkaasi.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Sacuudi Carabiya, iyada oo labada dhinac ay ka wada hadleen danaha wadajirka ah, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika.
Booqashadan ayaa timid maalmo kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya uu isna safar ku tagay Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu wada-hadallo kula yeeshay masuuliyiin sare oo ku sugan magaalada Jeddah. Kulanka maanta ka dhacay Addis Ababa ayaa la sheegay inuu daba socdo wada-hadalladii hore, islamarkaana uu yahay mid lagu sii ambaqaadayo xoojinta iskaashiga labada dal.
Sacuudi Carabiya ayaa si weyn u danaynaysa door muuqda oo ay ku yeelato Geeska Afrika, iyadoo Itoobiya ay tahay dal istiraatiiji ah oo saameyn ku leh gobolka. Dhanka kale, Itoobiya waxay xiriir dhow oo dhinaca maalgashiga iyo horumarinta ah la leedahay Imaaraatka Carabta, oo ka mid ah dalalka sida tooska ah u maalgeliyey mashaariic horumarineed oo ka socda dalkaasi.
Dhaqdhaqaaqyadan diblomaasiyadeed ayaa muujinaya loollan iyo tartan siyaasadeed oo sii kordhaya oo ka dhex jira quwadaha Khaliijka, kuwaas oo doonaya inay saameyn ballaaran ku yeeshaan Geeska Afrika.
