Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali , ayaa maanta uga qaybgalay xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa shirka heer wasiir ee Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika (AU PSC), kaas oo diiradda lagu saaray hawlgalka AUSSOM iyo xaaladda Suudaan.
Wasiirku waxaa uu uga mahadceliyey hoggaanka Midowga Afrika iyo dalalka ciidamada ku deeqay taageerada ay siiyaan hawlgalka AUSSOM, isaga oo sidoo kale
xusay muhiimadda doorashooyinka qof iyo cod ee ka qabsoomtay Muqdisho oo uu ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah.
Sidoo kale, wuxuu muujiyey qaddarin ku aaddan doorashada Soomaaliya loogu doortay xubinnimada Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika.




