Xiisad Dhaqaale Cusub Oo Mar kale ka Dhex-qaraxday Mareykan iyo Shiinaha Iyo Trump Oo Hanjabay

by Heemaal
1 minutes read

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale ku hanjabay inuu canshuuro waaweyn ku soo rogi doono badeecadaha Shiinaha, isaga oo ku eedeeyay dowladda Beijing inay qaadayso tallaabooyin cadaawad leh oo lagu xaddidayo dhoofinta macdanta muhiimka ah ee warshadaha Mareykanku ay ku tiirsan yihiin.

Trump ayaana intaa ku daray in la ga yaabo in uu baaqdo kulan uu qorsheeyay in uu la yeesho Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping bishaan kaas oo ka dhici lahaa Kuuriyada Koonfureed isaga oo sheegay in aanay muuqanin sabab uu ula kulmo Madaxweynaha Shiinaha.

Qiimaha saamiyada shirkadaha waaweyn ee Mareykanka ayaana si weyn hoos ugu dhacay kadib markii hadalka madaxweynuhu dib u kiciyey xiisadda ganacsi ee u dhaxaysa Mareykanka iyo Shiinaha, taas oo sare u qaaday cabsida laga qabo in uu dib u qarxo dagaal ganacsi oo u dhexeeya labada quwad-dhaqaale ee ugu waaweyn dunida.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.