Ruushka Oo Mamnuucay Adeegsiga WhatsApp kuna Badalay App Dawladeed.

by Heemaal
0 minutes read

Dowladda Ruushka ayaa xannibtay adeegga fariimaha ee WhatsApp, iyadoo ku eedeysay inuusan u hoggaansamin sharciyada dalka, isla markaana ku boorrisay muwaadiniinta inay isticmaalaan barnaamij dowladdu taageerto oo lagu magacaabo MAX.

Khubaro iyo ururrada xuquuqda aadanaha ayaa ka digay in MAX uusan lahayn sirta fariimaha (end-to-end encryption), isla markaana xogta isticmaalayaasha lala wadaagi karo hay’adaha ammaanka, taasoo kordhin karta kormeerka iyo caburinta xorriyadda hadalka.

Tallaabadan ayaa loo arkaa isku day cusub oo dowladda Ruushka ay ku xakameyneyso warbaahinta iyo isgaarsiinta gudaha dalka, xilli dagaalka Ukraine uu socdo.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.